Dhageyso: Maamulka K/Galbeed oo xog ka bixiyay wararka sheegaya in uu isa soo dhiibayo Mukhtaar Roobow….


Waxaa maalmihii dambe isa soo tarayey wararka sheegayo in Maamulka koonfur Galbeed uu lasoo xiriiray hoggaamiye weyn oo ka tirsan ururka Al-Shabaab kaasoo rabo inuu isisoo dhiibo.

Waxaa la sheegay inuu Dowladda isku soo dhiibo rabo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur waxaana arrintaan ka hadlay Wasiirka Hubka Dhigista Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay).

HALKAAN KA DHAGEYSO

Wasiirka ayaa sheegay inay soo dhaweeyeen ciidamo badan oo kasoo goystay Al-Shabaab sidoo kalana ay jiraan kuwa kale oo hadda isku diyaarinayo sidii ay isku soo dhiibi lahaayeen.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid markii ay shalay soo bandhigtay maamulka Koonfur Galbeed ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay isisoo dhiibeen, wuxuuna wasiirka sheegay inay si fiican usoo dhaweeyeen kuwa yimid kuwa soo socdana ay si kasii weyn u casuumi doonaan.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Hal Jawaab : Dhageyso: Maamulka K/Galbeed oo xog ka bixiyay wararka sheegaya in uu isa soo dhiibayo Mukhtaar Roobow….

  1. axmed says:

    Soo dhoweeya, yaanse la aaminin ,waa dad jirran ee madaxa sheydaan ka maray, hala dhan celiyo hala garaaco, saarka ku jira halaga saaro kilaabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM