Dhageyso: Maamulka Ahlu-suna oo ku dhawaaqay in ay ku biirayaan Dowlada Farmaajo…


Saraakiisha Ahlusuna Waljamaaca ee gobalada koonfureed ayaa shgeegay inay ciiddamadooda ku biirayaan kuwa dowladda islamarkaana laqarameen doono ciiddamada Ahlusuna ee ku sugan gobolada koonfureed ee Dalka.

Sheikh Isxaaq Xuseen Mursal gudoomiyaha Ahlusunada goblada koonfureed AYAA Cadeeyey in ciiddamadooda hada wixi ka danbeeya ay ka mid noqo doonaan kuwa dowlada federaalka Somaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Gudoomiyaha aya shegay in dowlad Cadaalad ah oo la sugayey ay ka dhalatay dalka islamarakaana uu yiri Ciiddamadeeno waxaa ay kamid noqonayaan Dowlada cusub oo uu xusay Sheikh Isxaaq inay lashaqeen doonaan Dowlada Farmaajo.

Waxaa uu tilmaamay in go’aankas ay gaareen madaxada Ahlusunada gobalada koonfureed oo eysan laqabin kuwa gobalada dhexe ee uu hogaamiyo madaxweyne Sheikh Shaakir balse kaliya uu kala dhaxeeyo halganka iyo dagaal lagula jiro Al-shabaab islamaraakana labada garab ay yiihin kuwo kala madax baanaan.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM