Dhageyso: Howlgal loogu Magacdaray Guusha Farmaajo oo ka bilawday Gobalka…


Ciidamada Booliska gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwooda ku sugan Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa maalmahan waxa ay Degmadaasi iyo Degaanada hoosyimaada ka wadeen Howlgal lagu sugayo amniga.

Howlgalkan ay wadeen Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa loogu magac daray Howlgalkii guusha Farmaajo iyo ciribtirkii Al-shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Baay Cali Cadow Isaaq ayaa sheegay in Howlgalkan uu yahay kuwo horey uga socday Degmada Bardaale iyo Tuulooyinkeeda.

Sidoo kale Cali Cadow Isaaq Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Baay ayaa waxa uu sheegay maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Degaano badan in ay ku soo mareen socdaal, si ay u soo ogaadaan goobaha ay kaga sugan yihiin Shabaab.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM