Dhageyso: DF oo si degdeg ah kaga hadashay Hishiiska Imaaraadka & S/land ee Dekada & Garoonka Berbera…


Dowladda Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay Heshiiskii Somaliland ay la gashay dowladda Imaaraadka Carabta kasoo u ogolaanaya in ay Saldhig ciidan ay ka furato Magaalo Xeebeedka Berbera ee Somaliland.

Hanti dhowraha Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in dowladda Imaaraadka Carabta ay la gasho Heshiis Somaliland oo ah maamul .

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxaa uu sheegay in Heshiiskaan uu yahay mid Qalad ah ,islamarkaan si qaldan wax loogu sheegay xildhibaanada Somaliland.

Dhawaan ayaa xildhibaanada maamulka Somaliland ay meelmariyeen Heshiis dowladda Imaaraadka Carabta u ogolaanaya in ay Saldhig ciidan ay ka furato Magaalada Berbera.

Waxaana arintaasi si weyn uga soo horjeestay Siyaasiyiinta ugu Caansan Somaliland.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM