Dhageyso: Ahlu-suna Maxey ka tiri Doorashada uu kusoo Baxay M/weyne Farmaajo…


Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu-sunna ayaa waxa uu ka hadlay Doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo shalay lagu doortay xarunta Afasiyooni.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu-sunna Cali Baashi Aadan Faarax ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Doorashadii shalay ka dhacday Muqdisho, ee lagu doortay Maxamed Farmaajo.

Waxa uu sheegay hada in ay muuqato ifafaalo ku aadan in dalka uu gaaro hormar weyn oo ay ku liibaani doonaan dadka iyo dalka, isagoo sidoo kale sheegay in ay la shaqeyn doonaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Cali Baashi Aadan Faarax Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu-sunna ayaa sheegay Farmaajo in looga baahan yahay in uu wax ka barto qaladaadkii hore ee ay galeen Dowladihii hore, taasi oo aheyd mid ay ka dambeeyeen Madaxdii hoggaamineysay.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) in uu ka shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dadka qaar ee ay xurgufta ka dhaxeyso, taasi oo horseedeysa Hormar iyo nolol wanaagsan.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay loo doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib markii uu tanaasulay Xasan Sheekh Maxamuud oo kula tartami lahaa wareegga ugu dambeeya ee Doorashada.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM