Deg Deg+Toos U Daawo: Doorashada M/weynaha Somalia oo hada ka bilaabatay Muqdisho…


Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka bilowday Doorashada Madaxweynaha Somalia, taa oo ka dhaceysa xarunta Ciidamada Cirka Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Doorashada ayaa waxaa si wada jira uga qeybqaadanaaya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia oo gabi ahaantooda iminkaba ku sugan xarunta ay Doorashadu ka dhaceyso.

Hoolka ayaa waxaa sidoo kale jooga Musharaxiinta 22 ee u taagan qabashada xilka kuwaa oo naawilaaya in mid waliba kusoo baxo Doorashada.

Waxaa sidoo kale ku sugan guddiyo ka socda Beesha Caalamka oo indha indheyneysa qaabka Doorashada kuwaa oo loogu magacdaray martisharaf.

Xildhibaanada codka bixin doona ee ku sugan Hoolka Doorashada ayaa la sheegay inay dhanyihiin 329-Xildhibaan kuwaasi oo loo idmaday inay Madaxweyne cusub doortaan.

Doorashadan ayaa ah mid adag lana aaminsan yahay in ay ugu yaraan laba ama saddex wareeg ay marayso, waa adag tahay in musharax keliya la saadaaliyo, waxaana qiyaasta saxda ah soo bixi kartaa wareega hore.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo furay Doorashada ayaa ku bilaabay kalmada Culimada Soomaaliyeed si loo wacyi galiyo Xildhibaanada Codka Bixin doona.

TOOS U DAAWO MUUQAALKA

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM