Deg deg+Dhageyso: Dagaal Culus oo ka socda Gobalka Mudug iyadoo Ciidanka Huwanta ah…


Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug, duleedka deegaankaasi waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Shabaab iyo ciidamada Huwanta.

Dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Shabaab oo aad isku soo abaabulay ay weerar ku qaadeen Duleedka deegaanka Camaara oo Saldhig ay ku leeyihiin ciidamada Huwanta.

Wararka waxa ay sheegayaan jugta rasaas culus in laga maqlaayo duleedka Deegaanka Camaara, waxaana rasaastaasi isku weydaarsanaya ciidamada Shabaab, ciidanka Galmudug iyo ciidamo ka tirsan kumaandooska Somaliya oo isku dhinac ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO

Dadka Deegaanka ayaa sheegaya inay dareemayaan xaalad cabsi ah oo ku aadan saameynta ka dhalan doonta dagaalkaasi, maadaama dhinacyada dagaalamaya rasaas culus ay isweydaarsanayaan oo gaareysa goobo ka baxsan halka dagaalka uu ka socdo.

Ciidamada Galmudug iyo Kumaandooska Somaliya ayaa qorshahooda wuxuu yahay inay la wareegaan gacan ku haynta Degmada Xarardheere, balse dagaal ayaa shalay qabsaday mid kalena hada ayuu ku socdaa.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM