DEG DEG: Xildhibaan ka tirsan BF Somalia oo ku geeriyooday Muqdisho…


Sida ay sheegayaan warar degdeg ah oo nasoo gaaraya Xildhibaan Saciid Xasan Geeddi oo ka mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Saciid Xasan Geeddi ayaa ka mid ahaa xildhibaanada golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa xildhibaanada lagu doortay Magaalada Muqdisho ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Saciid Xasan Geeddi ayaa la sheegay in uu maalmihii lasoo dhaafay uu xanuunsanaa.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ka tacsiyeeyay Geerida xildhibaan Saciid Geeddi.

Waa xildhibaankii labaad oo geeriyooda tan iyo markii lasoo doortay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM