DEG DEG: S/land oo si rasmi ah u aqbashay in Saldhig Millatari Imaaraadka ka dhistaan Berbera.


Xildhibaanada labada Gole ee Somaliland ayaa maanta cod Aqlibiyad leh ku ansixiyay heshiiskii Saldhiga Milatari ee Somaliland ay la gashay Imaaraadka carabta.

Xildhibaanada Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Hargeysa ayaa tilaabadaan qaaday, waxaana goobta joogay Madax sar sare oo ka tirsan Xukuumadda Soomaliland.

Heshiiskaan ayaa ah Mid ay dowladda Imaaraadka ay doonayso in ay Saldhig ciidan ay kaga dhisato Magaalada Berbera.

Waxgarada iyo sidoo kale qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa horay u diiday heshiiskaasi oo sheegeen in uu khatar ku yahay Ammaanka Somaliland.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

2 Jawaabood : DEG DEG: S/land oo si rasmi ah u aqbashay in Saldhig Millatari Imaaraadka ka dhistaan Berbera.

  1. Moamed A. Nur says:

    Haddii jawaab celin Somaliland kaga timaado dhanka Yaman (Xuutiyiinta) maxaa LA gudboon Dowlada Federalka Soomaaliyed?

    Heshiiska UAE ay LA gashay Somaliland mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah,mise waa xadgudub?

  2. axmed says:

    War waxaasi wax sharci ah ma aha, Somaliya waa mid, Hargesii ma Safaarad beyku leedahay Dubey,waa maya, Dowlada Somalidu Heshiis aney saxiixin ma soconayo, ,inaka daaya Somalinad baa heshiis saxiixdey, Somaliland waa xagee?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM