DEG DEG: Mid kamid ah Musharaxiinta Xilka M/weynaha oo Xabsiga la dhigay..


War degdeg ah oo nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xabsiga la dhigay Mid kamid ah Musharaxiinta Xilka M/weynaha Somalia kaasoo ahaa Muwaadin Somali-Maraykan lagu magacaabo C/casiis Camalow “Giyaajo” Waxaana lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Dallas ee Gobalka Texas ee dalka Maraykanka.

C/casiis Camalow waxa uu ka mid ahaa Murashixiintii isku soo taagay Doorashadda Madaxweynaha Somalia, inkastoo uusan is-diiwaan gelinin.

Waxa kale oo uu u tartamay Xilka Xildhibaanimo ee Maamul-gobaleedka Hiiraan uga mid noqon lahaa BFS, inkastoo looga guuleystay xilkaasi.

Ma cadda sababaha loogu xiray Maraykanka, balse waxay u muuqataa inuu ku lug lahaa Musuq lagu eedeeyey DFS ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa uu galangal u galay sidii loo soo furdaamin lahaa Lacago laga xayiray DFS.

Dhinaca kale, DFS wax war ah kama soo saarin xariga C/casiis Camalow Giyaajo oo dhawaan lagu xiray dalka Maraykanka.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM