DEG DEG Dhageyso:Kulan Albaabada uxiran oo hada kasocda Guriga RW CC kana qeyb galayaan MD Gaas iyo Sheekh shariif iyo RW Saacid


Ayadoo maalinimada arbada ee fooda nagu soo heyso lagu wado in magaalada muqdisho kadhacdo doorashada madaxweynaha soomaaliya kasoo utaaganyihiin ilaa 23 musharax kuwaasi oo u badan shaqsiyaad hore xilal kala duwan dalka usoo qabtay.

Sido kale kulan albaabada uxiran ayaa caawa kudhex maray hoyga magaalada muqdisho kadeganyahay RW cumar Cabdirashiid iyo musharax madaxweyne Sheekh Shariif waxaana kulankaas goob joog ka ahaa ra’isulwasaarihii hore soomaaliya Cabdi shirdoon Saacid iyo waliba madaxweynaha maamulka Puntland.


Saraakiil Ku dhow dhow Madaxda Hoyga CCC Sharma’arke ku shirsan ayaa inoo xaqiijiyay in dhinacyada ay sameysteen Isbaheysi xoog badan oo ka shaqeeya sidii dalka uu is bedel uga dhici lahaa Maalinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Seddaxda Masuul ee kala ah Shariif Sheekh Axmed,CCC Sharma’arke iyo Gaas ayaa kala saxiixday Heshiis dhameystiran oo ka dhan ah Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiin kale oo ka mid ah kuwa u taagan Xilka Madaxweynaha inkastoo aan magacyadooda aanan helin.

Kulanka Ayaa ah kuwa caawa weli ka socda Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoyga uu degan yahay Musharrax Cuamar CC Sharma’arke iyadoo xili dambe ay isla soo gaareen dhinacyada kulanka uu u dhaxeeyo.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM