DEG DEG: Dagaal Jilibka leesku Aastay oo ka socda Gobalka Sh/dhaxe…


War degdeg ah oo hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada Amisom iyo kuwa Shabaab inuu ka socda duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalkaan ayaa wuxuu yimid, kadib markii ciidamo Amisom ah oo lugeynaya Shabaab ay wadada u galeen sida uu xaqiijiyay Cornel. Maxamuud Koronto oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Xooga dalka ee Shabellaha Dhexe.

Wararka waxa ay sheegayaan dagaalka inuu ka socdo inta u dhaxeyso Deegaanka Biyo cadde iyo Miir tuugo, waana dagaal culus oo labada dhinac hub kala duwan ay isku adeegsanayaan.

“Dagaalka wuu socdaa, wuxuuna ka socdaa Biyo cadde iyo Miir tuugo inta u dhaxeysa, Amisom oo lugeynaysa ayaa Shabaab wadada u galay, ciidankeena xoogana waa ay ku baxeen.” Ayuu yiri Sarkaalkaan.

Lama ogaan karo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, maadaama labada dhinac ay ku dagaalamayaan deegaano howd ah, ayna adag tahay in la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM