DEG DEG: Ciidanka DF oo qaab Naxdin leh u dilay Wiil 8-jir ah Magaalada Muqdisho..


War degdeg ah oo nasoo gaaraya ayaa sheegaya in wiil 8-jir ah Ciidanka Dowlada Gaar ahaa Millatariga ay ku dileyn Magaalada Muqdisho.

Sida Wararka aan ku heleyno Wiilka ayaa waxaa jiiray gaari nooca Cabdi Bilaha kaas oo xawaaro ku socday wiilka yar ayaana doonayay in uu gooyo isgoyska Tarabuunka Ee Degmada Hodan.

Dhaawaca wiilka yar ayaa loo qaaday Isbitaalka walow markii dambe uu geeriyooday sida ay warbaahinta u sheegtay Hooyada wiilkaasi oo lagu magacaabo Maama Cudbi Saciid Maxamed.

Ciidmada Dowlada ee shilka galay ayaa ku sii jeeday Dhanka Wasaarada Gaashaan dhiga Soomaaliya inkastoo aysan u istaagin shilkii dhacay iyagoo arkayay sida dadka ay xaqiijiyeen.

Hooyada wiilka ay ka dileen Ciidamada Dowlada ayaa ka codsatay Saraakiisha Wasaarada Gaashaan dhiga in ay soo cadeeyaan Askartii ka dambeysay Falkasi.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM