DEG DEG: Ciidanka AMISOM oo qaab Naxdin leh u toogtay Oday Da’ah…


Ciidamada AMISOM ayaa waxa ay Qof rayid ah ku dileen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida uu soo sheegayo wariyaha Risaale ee ku sugan Gobolkaasi.

Dadka Degaanka ayaa waxa ay sheegeen Ciidanka AMISOM ninkan ay sida bareer ah rasaas ugu fureen in uu ahaa Oday Da’ah, oo ilaa iyo hada aan la ogeyn sababta ay u dileen, bale weli baaritaano ayaa socda.

Ninkan ay dileen Ciidanka AMISOM oo magaciisa lagu sheegay Macalin Cali ayaa waxa uu ahaa mid si weyn looga garanayo Degmada Qoryoley, sidoo kalena meydkiisa uu goobta lagu dilay uu yaallay mudo saacado ah.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan oo la socday dad kale oo socota ahaa islamarkaana hor marayay xero Ciidamada AMISOM ay ka degan yihiin Duleedka Degmada Qoryooleey ay Rasaas ku fureen taas oo uu ku geeriyooday Ninkan Da’da ahaa.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM