Deg Deg: Ciidan katirsan DF oo dagaalamay iyo Nabadoono dhaawac ah…


War Deg deg ah oo nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ciidan kawada tirsan Dowlada Soomaaliya ay dagaalameyn waxaana dagaalkaasi ka dhashay qasaaro u badan dhaawac.

Dagaalka ayaa ka dhacay degmada Balanbal ee gobalka Galgaduud waxaana sabab u ahaa Ciidan ka tirsan dowlada oo u goostay dhanka itoobiya balse dib usoo laabtay iyo ciidan ka tirsan qeybyta 21-aad ee Ciidanka Xooga dalka.

inta la Xaqiijiyay waxaa dhaawac dagaalkaasi kasoo gaaray 1-askari oo ka mid ah ciidankii dagaalamay iyo 5-qof oo kale kuwaas oo 2-kamid ah ay yihiin Nabadoono.

Gudoomiyaha Balan-bal Jaamac Xeyle ayaa sheegay in dagaalkaasi uu sababay qasaaro balse ay ku guuleysteyn in ay xaliyaan.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM