DEG DEG: Banaanbaxyo Waaweyn oo isqabsaday Magaalada Muqdisho & Risaas dhaceysa…


Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Daljirka Daahsoon waxaa hada ka socda Banaanbax xoogan oo lagu taaageerayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Dadweyne isaga kala yimid 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir ayaa dhigaya Banaanbaxan, waxaana ay yihiin kuwo aad ugu faraxsan guusha uu gaaray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Wariyaha Badweyn.com ee ku sugan goobta uu Banaanbaxa ka socdo ayaa soo sheegaya in Banaanbaxa uu yahay mid xoogan, sidoo kalena dadka Banaanbaxa dhigaya ay wataan Boorar ay ku qoran yihiin Hal ku dhigyo, kuna qeylinayaan ereyo lagu taageerayo Farmaajo.

Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa xalay ila iyo hada waxa ay kor u ridayaan Rasaas, maadaama ay taageero weyn u hayaan Madaxweynaha cusub ee la doortay.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM