DEG DEG: Banaanbaxii Ugu Weynaa oo Hada ka socda Magaalada Muqdisho…


Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka bilowday banaan bax balaaran oo lagu taageerayo laguna soo dhaweenayo doorashadii dhawaan ka dhacday Muqdisho ee lagu doortay Madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Banaan baxa ayaa ka socda halka loo yaqaan dal jirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb galay banana baxa boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid 17-da Degmo ee ka kooban tahay gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku heleyno banaan baxan waxaa soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in ay banaan baxa ka hadlaan masuuliyiin katirsan dowlada gaar ahaan maamulka gobolka.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay banaan baxyo iyo dabala degyo waa weyn oo lagu soo dhaweenayay doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Farmaajo.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Hal Jawaab : DEG DEG: Banaanbaxii Ugu Weynaa oo Hada ka socda Magaalada Muqdisho…

  1. axmed says:

    Banaan Baxaan badani mid ina anfacaaya ma aha, Maamulka Gobolka Banaadir dhib ayuu wadaa, halaga hortago, Maalin kasta Banaanbax ma anfacayo, shaqo ayaa loo baahan yahay., Xamar Casimada halaga wareejio , saan ma soconeyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM