DEG DEG: Al shabaab oo Weerar Culus ku qaaday Ciidanka DF & Saraakiil gurmad ahaa oo la dilay…


War degdeg ah oo nasoo gaaray ayaa sheegaya in Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada DFS iyo kuwa Al-shabaab uu saaka ka qarxay deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo khasaare xoogan uu ka dhashay dagaalkaasi.

Al-shabaab ayaa weerar xooggan kusoo qaadey deeganakaasi, waxaana la isku adeegsaday hub aad u culus, iyadoo la sheegay in Afar qof halkaasi ay ku dhimatay, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in ciidamadii dowladda ay ka baxeen deegaankaasi, waxaana halkaa la wareegay Maleeshiyada AL-shabaab oo Baabuur badan deegaankaasi kala baxday.

Ciidamada DFS ee halkaasi ka cararay ayaa wada abaabul dagaal xooggan ah oo ay ku doonayaan iney dib ugu qabsadaan deegaanka Warmaxan oo ay la wareegeen.

Sidoo kale waxaa la soo warinayaa in la dilay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka dowlada kuwaas oo wadada loogalay iyagoo gurmad u ah deegaanka la weeraray.

Naga Fillo Faah faahinta Warkaan:

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM