DEG DEG: Al shabaab oo weerar Culus ka fuliyay Gobalka Sh/dhaxe…


Wararka laga helayo gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay xalay saqdii dhexe kadib weerar culus ku qaadeen degaanka Qalimow ee degmada oo u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Weerarkan oo ay xilli danbe ayaa ahaa mid culus oo la isku weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay ku soo tooseen rasaas xoog leh oo dhaceya.

Meydadka saddex qof oo midkood ka tirsan yahay Alshabaab iyo hal askari oo ciidamada dowladda ka tirsan ayaa lagu arkay degaankaasi saaka, waxaana la sheegay in Alshabaab ay ka baxeen degaanka weerarkaasi kadib.

Dadweynaha degaankaais ayaa la kulmay xaalad adag iyagoo ka firxaday, waxaana rasaastii la is weydaarsaday ku dhaawacmay 4 qof.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM