DEG DEG: 3-Wasiir, 10-Xildhibaano Somali ah & Dad kale oo Noloshooda Halis gashay…


War degdeg ah oo nasoo gaaray ayaa sheegaya Diyaarad ay la socdeen 120 Rakaab oo ay ku jireen 3 Wasiir, 10-Xildhibaan iyo Taliyihii hore ee Hay’adda NISA ayaa la soo sheegay inay si degdeg ah u caga-dhigatay Garoonka Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi, kadib, markii ay cillad farsamo qabsatay.

Saraakiisha Ammaanka iyo Gaadiidka Dab-damiska ayaana heegan la geliyey, markii ay Diyaaradda soo caga-dhigatay Garoonka.

Mid ka mid ah Rakaabka la socday Diyaaradda oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac ayaa sheegy inuu qorshuhu ahaa inay Diyaaraddu ku degto Garoonka Caalamiga ee Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya, balse loo diiday fasax ay ku soo degi karto.

Waxa uu intaasi ku daray inay si toos ah ugu soo duuleen Garoonka Nairobi, wuxuuna xusay in ay cillad dhinaca Matoorka u sabab tahay cilladaasi.

Si kastaba ha ahaatee, ma ha markii ugu horreysay ee ay Diyaaraddaha Shirkadda Daallo la soo gudboonaadaan Cillado dhinaca Makaanikadda ah.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM