Dagaal kasocda caawa duleedka Muqdisho la isku adeygsanaayo…


Sida ay sheegayan wararka aan ka heleyno duleedka magaalada muqdisho ayaa sheegaya in halkaas caawa kasocda dagaal xoogan la isku adeygsanaayo hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada shabaab weerar kusoo qaadeen saldhig ciidamada amisom kulahayeen ceelka Arbaxow oo u dhow degaanka ceelasha biyaha.

Sidoo kale Dagaalka waxaa la sheegay in ay Barbar socdaan Madaafiic labada dhinac ay is weydaarsanayaan.

Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ayaan la ogaan karin Xiliga oo ah Habeyn iyo Dagaalka oo weli soconaya.

Dagaalkaan ka socda Duleedka Muqdisho ayaa imanaya xili doorashada Madaxweynaha Dalka ay ka harsayihiin saacado kooban.

Wixii ku soo kordha dib kala soco…

 

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM