Daawo:MD Farmaajo oo durba muqdisho kabilaabay Arin madaxweynayaashii hore shacabka ku habaari jireyn


Ayadoo balanqaadkii madaxweyne Farmaajo oo ahaa in aan laxiri doonin wadooyinka xiliyada madaxda mareyso wadooyinka ame ay dhacayaan shirar caalami ah ayaa markii ugu horeyse magaalada muqdisho lagu arkay wado loo xiray madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo maalinimadii shalay oo kulan kula qaatay villa soomaaliya madaxweynihii hore ee soomaaliya iyo gudoonka golaha shacabka ayaa loo xiray wadooyinka ay kamidtahay Maka Almukarama ilaa hooyooyinka kuwaasoo loo diiday isticmaalka dadka iyo dadweynaha.

HALKAAN KADAAWO MUQAALKA

Xubno isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ayaa ka mid ahaa dadkii galabta ku xayirmay wadadda, waxayna is weydiinayeen sababta wado xirista keentay iyo balanqaadkii Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo berito lagu wado inuu xilka la wareego ayaanay sahlanyn inuu fuliyo balanqaadyadii doorashada, waxaana ku wareegsan xaalada adag oo ku qasbeysa inuu u dhaqmo si la mida madaxweynihii hore.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Hal Jawaab : Daawo:MD Farmaajo oo durba muqdisho kabilaabay Arin madaxweynayaashii hore shacabka ku habaari jireyn

  1. Abdulaziz Aweys says:

    سبحا الله
    War niyahaw ilaahay kabaq shacabka iyo madax weynaha is jecel ha iska horkeenin. Wadooyinka ugu muhiimsan waa KM4 iyo Zoobe weyna furnaayeen anaana marqaati ka ah. Ee jooji sharta aad ku wadid bulshada. Waxaad soo qortaan ilaacada inkee lagama sheego waayo waxay ilaalinayaan maslaxada shacabka iyo ineysan isku dirin xukuumada iyo dadaka ay xukunto l.k.n wargeyskiina waxba uma aabayeelo beentiina ayaa badan lidinma aami karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM