DAAWO: Xildhibaanada Labada Aqal ee S/land oo Buuq iyo Feer isku bilaabay kulankii Maanta..


Buuq Iyo is gacan qaad ayaa ka dhashay Kulankii Labada Gole ee maamulka Somaliland maanta ku Ansixiyeen in magaalada Berbera ay saldhig millatari ka dhistaan dowlada imaaraadla.

Heshiiska ayaa dhigaya in Somaliland ay tahay (Kireeye) Halka Dawladda Imaaraadka Carabta ay tahay (Kirayste) iyadoo Mashruucani yahay Saldhig Milateri oo laga yagleelayo Madaarka Berbera.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Ogolaansho Saldhig Milateri Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Xukuumadda Somaliland waxay ku heshiiyeen:

B) in Saldhigga Milateri laga siiyo Dalka Imaaraadka Carabta Magaaladda Berbera.
T) in loo ogolaado in saldhigga ay u isticmaalaan Madaarka Magaaladda Berbera.
J) in loo oggolaado in ay ka samaystaan Jihada Waqooyiga Madaarka, gaar ahaan dhinaca badda, Deked dhismaheedu kooban yahay, taas oo u gaar ah ciidammadooda.
X) In loo ogolaado in ay dib-u-dhis iyo casriyeyn ku sameeyaan dhabbaha diyaaradaha, iyo guud ahaanba garoonka Magaalada Berbera.

Mudada heshiiska saldhiggu waa 25 sanno, oo ka bilaabmaysa marka ay si rasmi ah u kala saxeexdaan labada dhinac.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM