Daawo: Mas’uul katirsan S/land oo sheegtay in SOMALIA weli katirsan yihiin Hishiisyadana usaxiixaan..


iyadoo aad leeskugu qilaafay hishiiska S/land la gashay imaaraadka ee ah in saldhig millatari imaaraadka ka dhistaan magaalada Berbera ayaa arintaasi waxaa si kulul kaga haday Xisbiga wadani oo ka mid ah Asxaabta Mucaaradka Somaliland.

Gudi loo xilsaaray Baaris in ay ku sameeyaan Hishiiskaan oo ka tirsan Xisbiga Wadani Madaxna ay u tahay lataliyaha dhanka Arimaha dibada ee Gudoomiyaha Xisbigaas ayaa saxaafada usheegtay in shaki culus uu ku abuuray hadal kasoo yeeray Hanti-dhowrka Qaranka Soomaaliyeed kaasoo sheegay in Somaliland hishiiska ay la gashay imaaraadka ay saxiixeyn madax mataleysay dowlada Somalia.

Marwo Faaduma Saciid ayaa si cad usheegtay in Somaliland aysan Madax banaaneyd hishiisyada Caalamiga ahna ay u saxiixaan Madaxda Dowlada Somalia iyadoo fariin u dirtay Madaxda hogaanka u haya Somaliland Fariintaas oo ah in ay Caddeeyaan Hishiiska ay la saxiixdeyn imaaraadka.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM