Daawo: Faysal Cali Waraabe”Farmaajo inagaa kaga xoog badan Xamar Cashar ayaan u dhigeynaa..”


Siyaasiga inta badan Hadaladiisa ay kulul yihiin Faysal Cali waraabe oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa ugu Horayn wuxuu si kooban uga hadlay Wadahadalkii Xubno ka socday Khaatumo ay ku yeesheen Jabuuti, Wuxuuna xusay inay Dad fiican u tageen oo Nabada Jecel, islamarkaana ay daacad tahay Heshiiska ay Gelayaan.

Geesta kale Siyaasi Faysal Cali Waraabe ayaa la weydiyay Madaxwaynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C.laahi Farmaajo, Wuxuuna sheegay inay Isha ku hayn doonaan Hadalka kasoo baxa Farmaajo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

“Sidii aan kaga baranay Xasan sheekh hadii uu qaraar noola yimaado kulkaas ayaan isna u jawaabi doonaa”ayuu yiri.

Wuxuuna ugu Hanjabay inay Cashar ugu Dhigi doonaan Muqdisho. “Maanta cid naga Xoog badan ma Jirto, Muqdisho Farmaajo waa ku Marti, Aniga ayaa kaga Wadanisan, Ma Joogi doono, waanu iska Celin doonaa, Hadii uu ka hadlo Midnimo Soomaaliyeed, Cashar (Lesson) ayaanu Bari doonaa”.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Hal Jawaab : Daawo: Faysal Cali Waraabe”Farmaajo inagaa kaga xoog badan Xamar Cashar ayaan u dhigeynaa..”

  1. Amina says:

    Feysal hadalkiisu ma mudna in la soo tebiyi-waa iska haflow ina igarre.
    Waa nin wuxuu ku soo dhacay afkiisu ku dhawaaqo-farmaajo wax aan midnimo aheyn kama hadli doono,taas baana lagu soo doortay.
    Xamar waa la ogyahay dhowr wiil oo shabaab ah baa feysal u jooga kuwaas oo la yiri reer.muqdisho nabadda u diida illaa aan dawlad ka noqono ,kuwaasna farmaajo iyo dadka muqdisho uma joojin doonaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM