Al shabaab oo War kasoo saaray Weerar Culus oo Saaka ka fuliyeen Gobalka Sh/Hoose…


Kooxda Al Shabaab iyo Maamulka Gobolka Shabellaha hoose, ayaa waxa ay guulo ka kala sheegteen dagaalo ka dhacay Degaanada Warmaxan iyo Tixsiile oo ka tirsan Gobolkaasi.

Al Shabaab ayaa sheegtay 19 Askari oo Saraakiil ciidan iyo Askar isugu jira inay ku dileen weerarkaasi, waxaana intaasi ay ku dareen in ciidamada Millateriga ay u badan yihiin askarta weerarka lagu dilay.

Xoogaga Shabaab ayaa ku faanay saacad ku dhawaad inay gacanta ku hayeen degaanadii lagu dagaalamay.

Maamulka Gobolka Shabellaha hoose, ayaa dhinaca kale guul ka sheegtay dagaalkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibraahin Aadan Cali (Najax) oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay iska cabiyeen dagaalka Shabaab ay soo qaadeen.

Waxa uu sheegay Shabaab dhankooda inuu u badnaa Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Lama oga xogta rasmiga ah ee la xiriirta dagaalkaasi, maadaama meesha dagaalka uu ka dhacay ay aheyd meel rayidka ay ka kala carareen.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM