Al shabaab oo ku Hanjabay Weeraro Culus in ay ka fulin doonaan Magaalada Muqdisho…


Guddoomiyaha Xarakada Al Shabaab ugu magacaabay Gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxuu sheegay in ay Dagaal xoogan la gali doonaan Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxuu sheegay in ay qaadi doonaan Weerar ka dhan ah Xarumaha Dowlada iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Xoogaga Al Shabaab ayaa ka soo horjeestay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya ee ku aadanaa in Ciidamada AMISOM ay sii joogi doonaan Dalka Soomaaliya.

Al shabaab ayaa xusay in mushruuc aan dhamaan uu yahay in la sameeyo dib u dhiska Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayeey aheyd markii Ururka Al Shabaab ay ku dhawaaqeen in ay bilaabayaan Dagaal ka dhan ah Dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM