Akhriso Taariikhda: Maxaa ka taqaan Shaqsiyada M/weynaha Cusub ee Somalia FARMAAJO…


Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxa uu dhashay March 1962, Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Waxbarasho:
1993: Waxaa uu ka qalin jabiyay State University of New York ee Buffalo, isagoo ku taqasusay taariikhda (Yurub iyo Mareykanka).

Isla Jaamacaddaas ayuu ka qaatay Master sanado kadib.

Shaqo:

1981: Waxaa uu shaqo ka bilaabay Wasaaradda arrimaha dibadda, waaxda lacagta, Maamulka iyo Arkiifiyada.
1985-1989: Xogheyaha 2-aad ee Safaaradda Soomaalida ee Washington.
2000: Golaha dhexe ee xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka.
2002:Xiriiriyaha State of New York ee arrimaha xuquuqul Insaanka iyo dadka laga tirada badan yahay.
2010: Ra’isul wasaaraha TFG-da ee dowladdii Sharif Sheekh Axmed.
2015: waxaa uu Bare ka yahay Erie College oo ku yaalla buffalo.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa caawa noqday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib markii uu tanaasulay Xasan Sheekh Maxamuud oo kula tartami lahaa wareegga ugu dambeeya ee Doorashada.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM