Akhri: Wasiiradii Damu-jadiid oo qoraalo Niyad Jabin ah ku bilaabay FARMAAJO…


Wasiiru dowlihii Madaxtooyada Soomaaliya ee dowladii Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa gacanyareyaasha madaxweynihii hore ayaa farriin xambaarsan digniin iyo tallo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Wasiir Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa ku sheegay in Madaxweynaha cusub looga baahan yahay degdeg u magacaabidda Ra’iisal wasaare karti leh, wuxuuna uga digay in isbedelka u sawiran dadka shacabka ah aan lagu gaarin karin sanad ama afar sano midna balse qoraalkaan ayaa u muuqda mid niyad jibin ah iyadoo dowladii Xasan sheekh ku fashilantay bixinta mushaarka Ciidanka iyo shaqaalaha rayidka.

Wasiirkan ayaa u soo jeediyay Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu shacabka wajaho una sheego inaan degdeg isbedel lagu gaari karin.

HOOS KA AKHRI QORAALKA WASIIR MAHAD:

SIDEE LOOGA MIRA DHALIN KARAA ISBADALKA U SAWIRAN DADKA SOOMAALIYEED.?

Soomaaliya daruufaha Amni, Siyaasadeed iyo Dhaqan Dhaqaale ee ay ku sugantahay marka la’eego ma muuqato inlagu sixi karo hal sano ama hal term (4 sano) sidaas daraadeed waxaa ila haboon in Madaxweynaha cusub jaanis la siiyo, lalana shaqeeyo. Madaxweynahana waxaa la gudboon:

1. Inuu soo dadajiyo magacaabista Raysul Wasaare leh aqoon, karti iyo waayo aragnimo hugaamineed iyo dhismaha Xukuumad Salballaaran oo ka tarjumi karta balanqaadkii Madaxweynaha lagu doortay.

2. Inuu dadka Soomaaliyeed la wadaago in muuqaalka isbedal ee u sawiran dadka Soomaaliyeed aan deg-degaas looga mira dhalin karin, si Dowladu aysan u dhuminin taageerada Shacab ee ay heysato.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Hal Jawaab : Akhri: Wasiiradii Damu-jadiid oo qoraalo Niyad Jabin ah ku bilaabay FARMAAJO…

  1. axmed says:

    Maxaa waxaa geliyey, Doqonkaas, caadaqaataha ah, Ragaas waa in lala xisaabtamaa, ama gebigoodba la waayaa. Qoorta halaga jaro dhamaantood, waa istaahil ,maba aha in ay hadlaan xaaraanta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM