Akhri: M/weyne FARMAAJO oo sedax qodob ku xulanaya Shaqsiga Noqon doona R/wasaaraha Cusub…


Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shuruudo adag u dhigay shaqsiga uu doonay inuu u magacaabo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo dhowaan xilka la wareegi doono xilka ayaa xildhibaano ugu tegay inuu xilka R/wasaaraha u magacaabo u sheegay inuu doonayo shaqsi ay wadashaqeyn karaan.

Farmaajo ayaa shuruudihiis waxaa ka mida:

1- Shaqsi leh aqoon heer sare ah
2- Shaqsi leh karti iyo awood hogaamineed
3- Qof ay wadashaqeyn karaan mudadda uu xilka hayo ee 4-ta sano ah

Musharaxiin iyo xildhibaano ka socda beelaha Hawiye oo xilkan ku loolamaya ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha cusub oo ay ka dalbadeen inuu xilka Wasiirka koowaad siiyo shaqsiyaad ka soo jeeda beelahooda, taasoo uu sheegay inuu tixgelinayo.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM