Akhri: Madaxda Caalamka oo Fariimo Muhiim ah usoo diray M/weynaha Cusub ee Somalia..


Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson ayaa sheegay inay Dowladiisa u hambalyeynayaan Madaxweynaha la-doortay ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay inay Somalia samaysay Horumar weyn oo ay kaga soo kabanayso Dagaalladii Sokeeye ee 20-ka sanno socday, wuxuuna xusay inay Madaxweyne Farmaajo soo wajahi doonaan Marxallado muhiim ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson waxa uu sheegay inuu danaynayo Kulan uu la qaato Madaxweynaha cusub Somalia iyo inuu kala shaqeeyo sidii loo wadaagi lahaa mudnaanta sidii loo yarayn lahaa Macluusha, xaqiijinta Ammaanka o oay ku jirto Dib-u-habayan lagu sameeyo Qeybta Ammaanka Somalia

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Kheyd ayaa soo dhaweeyey Doorashadda Madaxweyne Farm,aajo.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray ayuu ku sheegay inay Dowladaha Jaamacadda Carabta sii wadi doonaan Taageeradda ay la garab taagan Dowladda Federalka iyo Ummadda Soomaalida.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM