Akhri: GALMUDUG oo Xukuno adag ku riday Badmaaxiyiin Ajinabi ah..


Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug qeybta Galmudug waxaa Maxkamadeyntooda ay ka dhacday Badmaaxiyiin u dhashay Dalka Yemen, kuwaasi oo horey ugu eedeysnaa Kalluumeysi sharci daro ah.

Maxkamad ku taalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug ayaa ku xukuntay Badmaaxiyiintan u dhashay Dalka Yemen lacag dhan 60-kun oo Dollar, kadib markii lagu qabtay Kalluumeysi sharci daro ah.

Goobta lagu xukumayay Badmaaxiyiintan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug oo uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenka Wsaarada Cadaalada Maamulka Galmudug Maxamed Maxmuud Guure.

Badmaaxiyiintan ayaa dhowaan waxaa soo qabtay Ciidamada Badda Maamulka Galmudug, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay xeebaha Galmudug ka wadeen xaalufin, islamarkaana ay doonyo ku guranayeen Kalluunka.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM